AKHRISO:- Maamulka Galmudug oo kala dhex galay Beelo ku dagaalamay gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegay in xal laga gaaray Colaad u dhexeysay laba Maleeshiyo beeleed oo wada degaanno waqooyi galbeed uga aadan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa labada maleeshiyo beeleed ee dirirta ay dhex martay kala dhex galay islamarkaana ciidamo geeyay goobihii lagu daagaalamay waqooyi galbeed ee magaaladaa Dhuusaamareeb.

Degaano ka Tirsan Dawlad goboleedkaa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray Colaad Beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay ‘ iyadoo maamulka Galmudug uu digniin ka soo saaray Xiidaha Colaadeed ee dhexeya Beelaha dega degaannada Galmudug