AKHRISO:- Xiisad dagaal oo ka taagan degaano katirsan Gobolka Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya Aaga deegaano Duleedka Koonfureed ka ah barkada ina Jiirow oo koonfur kagasii Beegan Deegaanka Labagalle ayaa waxaa halkaasi ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul kuyaalla degaannada xiisadda ka taagan tahay sigaar ah barkada ina Jiirow, halkaas oo dhowr jeer lagu dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dhinacyada xalay ilaa saaka ay wadeen hub aruursi xoogan, isla markaana dadka degaanka ay muujinayaan cabsi xoogan oo ku aadan in dushooda lagu dagaalamay.

Sanadkii 2022-dii ayaa waxaa Aaga deegaano Duleedka Koonfureed ka ah barkada ina Jiirow waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 230 Ruux.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal beeleedyada ay kusoo bateen degaannada Galmudug, iyada oo Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug ay ku guuldareysteen xal ka gaarista colaadahaas.