AKHRISO:- Weerar ay Dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Dalka Naajeeriya.

0

Koox burcad ah oo u dhalatey wadanka Najeeriya ayaa weerar ku qaaday Gobalo ku yaala wadankaas waxaana ay dileen ugu yaraantii 30 qof halka sidaasi oo kale Caruur ay ku Afduubteen weerarkaa Bahalnimada ah.

Weerarka kooxdani ay soo qaadey ayaa waxaa uu ka dhacay Woqooyiga wadanka Naajeeriya sida laga soo xigtey laamaha amaankda Dalka Afrika ugu Dadka badan, in tabadan Naajeeriya ayaa waxaa ka dhaca weeraro ay kooxo burcad ahi ay sooqaadan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahan hubaysani, inay weeraro ku ekeeyeen tuulooyinka Janbako iyo Sakkida oo ku yaalla dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalkaas, waxay gobolka Zamfara ay ku dileen illaa 24 qof.

Dablaydan ayaa sidoo kale tuulada Gora ka afduubtay, caruur yaryar oo loo dirsaday inay kaymaha ka soo ururiyaan xaabada dabka lagu shito si ay waalidiintooda u caawiyaan, Caruurta kunool wadanka Naajeeriya ayaa ah kuwa ugu halista badan.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in gobolka Sokoto, uu isna ka mid yahay, meelaha ay budhcaddani weerarada ka geysatay, iyaga oo bartilmaameedsaday shan tuulo oo hoostaga degmada Tangaza waxaana Goobahaasi ka fhacay dhibaato ka dhan ah Dadka Rayidka, ahi.

Warar kale ayaa sheegaya in dablaydu ay dad gaadhaya 25 qof ku dileen isla wadanka Jaajeeriya deegaankaasi la yiraahdo Imande Mbakange, oo ku yaalla gobolka badhtamaha dalkaas, halka ay guryo kala duwan ay dab qabadsiiyeen.

Ciidamda Qalabka sida ee wadanka Naajeeriya ayaa ku fashilmey in ay wax ka qabtaan kooxaxa burcada ah ee Dadka dhibaatada ku haaya, waana sababta ay ugu suuragashey in tabadan ay guuleystaan weerara Buracadda.