AKHRISO:- Puntland iyo Galmudug oo ku guulaystay in Ciidamo ay kala dhex dhigaan beela ku dagaalamay Bariga Gobolka Mudug.

0

Ciidamo isku dhaf ah oo Puntland iyo Galmudug ah ayaa la kala dhex dhigay Beelihii dhawaan dirirtu dhex-martay iyadoona la kala qaaday dhamaan Ciidamadii is hor fadhiyey.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali oo gaarey Degmada Tawfiiq ayaa sheegay In ay ku guuleysteen xakamaynta Colaadaas wajigeedii kowaad.