AKHRISO:- Arday Soomaaliyed oo ku guuleystay Deeq wax-barasho iyo maalgelin cilmi baaris Dalka Canada

0

Hassan Ali oo ah kaaliye Cilmi baare iyo arday Soomaaliyeed oo degan Canada, kana tirsan Jaamacadda Winnipeg ayaa ku guuleystay maalgelin cilmi baaris iyo deeq wax-barasho daraasaatka sare ee heerka master ka dhaqaalaha Jaamacadda Winnipeg.

Deeqdana ayaa gaaraysay in ka badan $34,000 doolar, waxayna isugu jirta maalgelin daraasaat cilmi baaris, minxo waxbarasho iyo shaqo kaaliye macalinimo (Teaching Assistant) ee qeybta dhaqaalaha Jaamacadda Winnipeg sanad dugsiyeed soo socda 2023-2024 Hassan mar uu ka hadlayey deeqda uu ku guuleystay ayaa yiri sida tan:

“Deeqdan waxay isugu jirtaa 3 qeybood, waxaana lagu maalgeliyaa dadka ka shaqeeya cilmi barista heerarka kala duwan,iyo ardayda sameeya daraasatka sare sida masterka iyo Phd. Deeqahan aan ku guuleystay mid kamid ah waa heer gobol oo gobolka Manitoba – Canada oo dhan tartan furan u galaan waxaana bixisa hay’adda la yiraahdo (Research Manitoba) iyo 2 kale oo deeq waxbarasho ay bixisho Jaamacadda aan ardayga ka ahay ee Winnipeg oo iyadana tartan furan u galaan dhammaan ardayda daraasaarka sare ee Jaamacadda..

Dadaal dheer, shaqo badan oo cilmi baaris iyo imtixaano kala duwan iyo ducu waalid ka dib waan ku guuleystay dhamaan deeqa iyo fundka waxbarasho oo aan u tartamaay oo 3 aha. Ilaahey baa mahad leh .

Hassan, waa diplomaasi hore ka tirsana Wasaaradda arrimada dibedda, kana soo shaqeyey Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey- New York- USA. Wuxuu sidoo kale macalin ka ahaa mid ka mid ah jaamacadaha Magaalada Muqdishu, Hassan wuxuu hadda kaaliye sare cilmi baare ka yahay Jaamacadda Winnipeg ee Canada.