AKHRISO:- Shirka Madasha arrimaha gargaarka oo Maanta ka furmaya Kismaayo

0

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland uu ka furmo Shirka Madasha arimaha gargaarka, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shrka ayaa waxaa ka qeyb geli doona udoomiyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah JFS & Wakiilo ka socda Hay’adaha QM.

Shirka ayaa waxaa la filayaa in inta uu socdo diirada lagu saaro arrimo ay kamid yihiin,, jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu wadaa in uu shirka furo, waxaana wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobay ay warbixin la xiriirta Abaaraha iyo fatahaadaha ka dhageysan doonaan Madaxda ka qeyb galeysa Shirka.