AKHRISO:- Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil ka dhacay Somaliland

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka War-idaad oo katirsan degaannada Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Shil Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo nooca xamuulka qaado ah, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday laba Ruux halka Afar kale ay dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in goobta ay gaareen Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka Somaliland ee taraafikada, iyaga oo goobta ka qaaday Afarta dhaawaca ah si ay Isbitaal u geeyaan.

Sanad kasta shilal dad badan ay ku dhintaan ayaa ka dhaca degaannada Somaliland, waxaana taliska Booliska Somaliland ay sheegeen inay ugu wacan tahay darawalada oo si xowli ah ku wada Gawaarida.