AKHRISO:- Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay mooshin la horkeenay

0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 3-aad oo ay soo xaadireen 143 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabiska Dastuurka KMG ah iyo qeybinta Hindise-sharciyeed-yada kala ah.

1. Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.
2. Hindise Sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.
3. Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Xildhibaan cabdifitaax Cabdullaahi Caraaye oo ku hadlayay magaca Guddiga soo diyaariyay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS u aqriyay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah.

Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah, ayagoona doodooda ku lafaguray Dastuurka Dalka iyo turxaan bixin ku aadan mooshinka lahor keenay Golaha.

Xildhibaannada ayaa inta badan kasoo horjeestay waxka bedel lagu sameeyo Dastuurka iyo muddo kordhin loogu sameeyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa soo xiray kulanka maanta asigoona ku amaanay Xildhibaannada dooda adag ay ka yeesheen soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabista Dastuurka KMG ah, waxa uuna faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga KMG ee ka shaqeynta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka si ay talooyinka xildhibaanada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale xildhibaanada loo horkeeno doodna ay ka yeeshan.