AKHRISO:- Howlgallo xoogan oo laga sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Magalada Muqdisho waxaa ay ka sameeyeen xafado katirsan Gobolka Banaadir, kaas oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, Ciyaal weerada iyo kooxaha dhaca geysta.

Howlgala oo sigaar ah looga sameeyay xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshid, Kaaraan iyo Huriwaa ayaa Ciidamadu ku baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana kormeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale).

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ( Yabooh) in Goobihii ay booqdeen ay ku arkeen Ciidada xasilinta oo wada howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaya Amniga.

Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu Ciidamada uga mahad celiyay sida ay u sugeen Amniga Caasimadda oo ay dhibaato ka geysan jireen Al-Shabaab, Ciyaal weero iyo kooxo dhac geysanayay.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ( Yabooh) ayaa sheegay in Duqa Muqdisho oo Wakiil ka ah Madaxda Sare ee dowladda uu farriin mahad celin ah gaarsiiyay Ciidamada Booliska ee sida Millateriga u tababaran ee sugaya Amniga Muqdisho.

Tan iyo markii magaalada Muqdisho ay howlgalka ka billaabeen Ciidamada Booliska ee sida Millateriga u tababaran waxaa soo hagaagay Amniga Magalada Muqdisho, iyada oo weli howlgallo ay ka socdaan.