AKHRISO:- RW XAMSE” Cid ayaa maqan looma joojin doono dhameystirka Dastuurka”

0

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay Xukuumaddiisu waqti badan gelinayso dhameystirka Dastuurka dalka oo mudo dheer qabyo ah.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la dhameystiro Dastuurka KMG ah ee dalka, isla markaana ciddii ka maqan ay timaado loona baahneyn in dadka la jahwareeriyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in anaa maqan aan loo joojin doonin dhameystirka Dastuurka.

‘Hadii madalaha aad soo fariisan weysid adiga shakhsiyan dadka waxaad rabtid ha u sheegin oo yaa tolaay haku owrkacsan ayuu yiri” Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo aadaya xilli go’aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran ay kasoo horjeesteen siyaasiyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Daciid Cabdullaahi Deni