AKHRISO:- Madaxweyne Qoor Qoor” Wada-hadallo ayaan la galeynaa Siyaasiyiinta diidan heshiiska doorashada”

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay Shirkii Glaha wada-tashiga Qaran ee ka qabsoomay Muqdisho ay yihiin kuwo guul ah oo mudan in loo hambalyeeyo.

Wuxuu sheegay in Golaha wadatashiga Qaran ay la fariisan doonaan cid kasta oo tabasho ka qabta qodobadii kasoo baxay kulankii ay ku yeesheen Magaalada muqdisho si wax walba xal looga gaaro.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) wuxuu sheegay in haqa kasta marka la qabanayo ay ka hor imaanayaan caqabado xoogan, balse uu rajeeynayo in laga gudbo.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan siyaasiyiin farabadan ay diidan yihiin heshiiska doorasho oo ay gaareen Golaha wada-tashiga Qaran.