AKHRISO:- Khilaafkii ka taagnaa doorashada gobolka Nugaal oo la xaliyay

0

Guddi loo xilsaaray kasoo go’aan gaarista Xiisaadii ka taaganeyd doorashada golaha degaanka degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godob Jiraan, ayaa Xalay soo saaray go’aan rasmi ah.

Guddigan ayaa go’aamiyay in doorashada golaha degaanka lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxay kaloo sheegeen in ciidamada doorashada diidan laga saaro magaalada, dibna loogu celiyo xarumahoodii, iyadoo loo saarayo guddi gaar ah.

Guddigan ayaa sidoo kale sheegay inaan la faro galin dastuurka Puntland iyo doorashada madaxweynaha ee siddeeda januaray 2024

Hase ‘ahaatee’ Gudiga doorashooyinkaa Puntland ayaa la filayaa in ay soo saaraan Jadwalka doorasho ee degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godob Jiraan