AKHRISO:- Cumar Cadirashiid oo ka Falceliyay War Murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka soo horjeestay qodobadii k asoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahan ka socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo xalay saq-dhexe go’aano culus laga soo saaray.

Qoraal kooban soo uu oo dhigay bartiisa Twitterka ayaa Cumar Cabdirashiid uu uga horyimid war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo wax bedelay Hanaanka doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Wasaarihii hore ee dalka ayaa qoraalkiisa Twitterka uu soo dhigay ku sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uu isku beddalay nidaam kali talis oo kale, sida uu hadalka u dhigay.

”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Twitterka .

Sodoo kale’ Cumar C/rashiid ayaa intaas ku daray in go’aanadaasi ay kasii dari karto oo kaliya xaalada dalka.

“Arintaan waxay keliya ka dari karta sunta degaankeena ee siyaasadded” ayuu sidoo kale ku yiri qoraalka kooban ee uu soo dhigay Twitterka Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke.

War ka soo ka soo Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ku soo aadaya Xilli War Murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Watshiga Qaran looga hadlayay doorashooyinka dalka ilamarkaan lagu caddeeyay war murtiyeedkaas in doorasho qof iyo cod ah lagu qabanyo dalka oo kaliy ay ka qayb galayan laba xisbi oo kaliya