AKHRISO:- Midowga Yurub oo dib u billaabay taageerada miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya

0

Midowga Yurub ayaa ansixiyey lacag dhan 20.5 milyan oo Euro ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC.

Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay billaabeen qorshe hawleed wadajir ah oo ku aaddan macaamilka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasi oo qeexaya ahmiyadaha wadajirka ah ee labada sano ee soo socota.

Iyada oo la bixinayo lacagtan ayaa Midowga Yurub wuxuu ku taageerayaa Dowladda Federaalka oomaaliya inay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna kusii socoto waddadii ay ku gaari laheyd barta dhameystirka barnaamijka deyn cafinta.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa tiri “Iyadoo ay ku dhowdahay dhameystirka barnaamijkadeyn cafinta, Soomaaliya waxay dhawaan gaari doontaa guul taariikhi ah, taasi oo keeni doonta fursado cusub laakiin sidoo kale caqabado wadata.”

“Kordhinta kheyraadka gudaha iyo sii wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa muhiim u ah horumarinta ajendaha dib u habeynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada Soomaaliya.”

Tiina ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu daneynayo inuu sii wado taageerada Soomaaliya si wax looga qabto caqabadahan loona xaqiijiyo in adeegyo wanaagsan la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa yiri “Waxa aan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Saaxiibada Soomaaliya ee Midowga Yurub ay dib u soo fasexeen kabkii miisaaniyadda oo muddooyinkaan ay dowladdu dadaal ugu jirtay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka maaliyadeed ee hay’adaha caalamka.”

“Taageerada Miisaaniyadda ee Midowga Yurub waa il kaalmo oo qiimo leh si loo xaqiijiyo in dowladdeenu ay xoojiso isbeddelada socda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.”