AKHRISO:- Howlgalka ATMIS oo War kasoo saaray weerarkii Buulo-Mareer

0

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in Saaka abaarihii 5ta subaxnimo ay Saldhiga Cidanka ATMIS ee Buulo mareer oo dhinaca koonfur Galbeed kaxiga 120km magaalada Muqdisho kana tirsan Gobolka
Shabeellaha Hoose ay soo weerareen Xubno katirsan Al-Shabaab iyagoo Adeeg sanayo
baabur Qarax laga soo buuxiyey iyo ismiidaamin.

” Dagaalka u dhaxeeyay argagixisada iyo Ciidanka ATMIS waxaa xigey iney soo xoojiyeen
waaxda Ciidamada Cirka ee ATMIS iyo saaxiibadooda kuwaas oo Burburiyey dhamaan hubkii ay wateen Al-Shabaab ayaa lagu yiri” War kasoo baxay ATMIS.

“Hawlgalka ATMIS waxuu u cadeynayaa dhamaan bulshada iyo hayadaha kale ee wadanka
jooga in xaalada la dajiyey hawlahana ay caadigii ku soo laabteen.

“Hwlgalka ATMIS waxaa ka go’an ladagaalanka Argagixisada iyo inuu sii wado lashaqeynta
dawlada fadaraalka ah ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada dalka iyo saaxibada caalamiga
ah si loola dagaalamo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee kusugan Soomaaliya.