AKHRISO:- Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

0

Waxaa Maalintii labaad Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ka socda Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Puntland.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran.

Madaxda ayaa aad uga doodaya qodobada ay shirka uga hadlayaan, iyada oo dhinacyadu markii ay soo geba-gabeeyaan Shirka Warmurtiyeed kasoo saari doonaan.