AKHRISO:- Maraykanka oo Liiska Madow ku daray Xubno ka Tirsan Alshabaab iyo shaqsiyaad kale oo xiriir la leh

0

Dawladda Maraykanka ayaa liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ay ka mid yihiin:

Maxamed Siidow oo Marayanku uu sheegeen inuu yahay amiir dhinaca maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka jabhadda ee al-Shabaab.

Cali Yare oo la sheegay inuu yahay amiir kale oo dhinaca maaliyadda ah oo qaabilsan inuu canshuuraha al-Shabaab uga ururiyo deegaanka Beledul Amiin ee gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Dauud Gabaane oo isna la sheegay inuu al-Shabaab mas’uul uga yahay hawlaha canshuuraha ee degmada Wanlaweyn.

Waxaa kale oo xubnaha uu Maraykanku ku daray liiska madaw ku jira Suleiman Cabdi Daoud oo ah amiirka maaliyadda iyo amiirka degaanka Beledul Amiin, iyo kormeerka maxkamadda al-Shabaab ee ganaaxa ururisa.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa isna la sheegay inuu yahay guddoomiyaha al-Shabaab ee Diinsoor, waxaana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka yahay weeraro lagu qaaday rayidka.

Sidoo kale waxay dawladda Maraykanku maanta sheegtay inay liiska ku dartay xubno kale oo ka mid ah al-Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin ururka. Dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jira 15 qof oo la sheegay inay fududeeyaan maaliyadda ururka, afar ka ganacsada dhuxusha sharcidarrada ah iyo toddoba hay’adood oo ku xiran.

Xubnahaas kalena waxaa ku jira Xasan Abshir Xuurow oo Marayanku sheegay inuu hoggaaminayye koox Al-Shabaab ah oo lacagta uga ururiisay rayidka Kismaayo,

Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) oo Maraykanku sheegay inuu Al-Shabaab hanti uga ururiyo Shabeella Hoose iyo Mumin Dheere (Dheere) iyo Mcaalin Burhaan oo Maraykanku shegay inay kala yihiin ku xigeenka Amiirka degaanka Wayanta oo tirsan Shabeellada Hoose, iyo madaxa xisbada Al-Shabaab ee isla degaankaas; iyo 14 qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururin Al-Shabaab iyo ka ganacsiga dhuxusha, iyo shirkado