AKHRISO:- Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF oo soo riday Diyaarad Dagaal

0

Iyadoo maalintii Labaad ay xabad joojinta ka dhaqan gashay dalka Sudan ayaa waxaa ay dagaalo ka dhaceen qeybo ka mid ah Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Iska horimaadyadaasi waxa uu dhex maray Ciiddanka Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF.

Dhanka kale, La-Taliyaha Taliyaha Ciiddanka RSF ee Arrimaha Siyaasadda, Yuusuf Cisat waxa uu sheegay inay Ciiddanka Gurmadka Degdega soo rideen Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa MIG, isla markaana ay Duuliyihii gacanta ku dhigeen.

Baraha Bulshada ayaa la soo dhigay SAWIRO iyo Muuqaalo laga dheehan karo Diyaarad Dagaal oo iyadoo ololaya ku dhacday goob Fagaare Guud oo ku yaalla Deegaanka Ambat ee Galbeedka Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Muuqaalka waxaa kale oo uu ka muuqda iyadoo Ciiddanka Gurmadka Degdega ay gacanta ku hayaan Hal Duuliye, lama yoga halka uu ku dambeeyey Duuliyihii kale ee la socday Diyaaradii Dagaalka ee la soo riday.

Dhanka kale, Ciiddanka Dowladda Sudan waxay Duqeyn Diyaaradeed la beegsadeen Saldhig Talis u ah kuwa Gurmadka Degdega ee RSF oo ku yaalla magaalladda Al-Madiina Al-Riyaadah iyo goobo kale oo ku yaalla Koonfurta Khartoum.