AKHRISO:- Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyay Gobolka Jubbada Hoose

0

Ciidanka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee fadhigoodu yahay degmada Afmadow ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen deegano hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee degmada Afmadow oo horey u hayay xogta Xubnoa tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannada howdka ayaa howlgal qorshaysan ku qaaday, kaas oo Saraakiishu ay sheegeen in uu guuleystay.

Howlgalka oo xooggiisu u badnaa laga smeeyay degaannada miyiga ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen deeganada kala ah; Dabool bujis, Arbadhawe, Qoraa, iyo Yeeyo oo in ka badan 15 km u jirta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Taliye ku-xigeenka ciidanka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee degmada Afmadow Kabtan Deeq Diiriye oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay hadda nabdoonyihiin dhammaan deeganaddii ay ka sameeyeen howgalka, waxa uuna intaa ku daray in ay sii laba jibaari doonnaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmada Afmadow oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamo katirsan kuwa Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ATMIS , waxaana mararka qaar weeraro ku qaada degmadaas Xubno katirsan Al-Shabaab.