AKHRISO:- Booliska Maamulka Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigay rag dilal geystay

0

Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle , ayaa gacanta ku soo dhigay saddex qof oo ku eedeysan inay 22/05/023 tuulada Hiiraan-Bile oo 6KM Beledweyne u jirta ku dileen Marxuum Duqow Hilowle Isaaq, in Hooyo Cadeey Kuusow Cumarow 38 jir.

Marxuumka ayaa xiligii la dilay ahaa musaafir ku watay gaariga Hoomi ahaa qoyskiisii, kuwaas oo kusii jeeday degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Fal danbiyeedkan oo ay ka caroodeen dadweynaha ku dhaqan Magaalada Beledweyne, ayaa sababtay in Booliiska iyo Shacabka oo iskaashanaya ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaasha oo hada ku jira gacanta Boliiska si ay u wajahaanMaxkamada Awooda u leh loona cadaalad mariyo.

Degaano badan oo katirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal la xiriiray aanooyin qabiil iyo kuwo ay geysteen burcad hubeysan, kuwaas oo caqabad ku noqday Amniga Gobolkaas.