AKHRISO:- Saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya oo loo xiray xatooyo Xoolo Dadweyne

0

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay inay soo xireen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiska oo ka duulaaya waajibaadkiisa shaqo uu ku guuleystay in la soo xiro saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan canshuuraha berriga kuwaas oo ku eedaysan Xatooyo Xoolo dadwayne
iyo sameynta dokumentiyo Dawladeed oo been abuur ah sida boonooyin Lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah, eedaysanayaasha oo kala ah, Khasnajiga Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda iyo Madaxii hore Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda haddana ah madaxa Canshuuraha Berriga ee Degmada Xamar Jajab & Sarkaal kale.

” Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu u gudbin doonaa eedaysanayaasha maxkamadda awoodda u leh marka ay soo dhamaato baarista kiiska loo haysto si loo horkeenno cadaaladda ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Xafiiska ayaa digniin culus u diray cid walba oo ku hawlan fal-dembiyeedyada sare ku xusan ee ah damaaciga hantida dadwaynaha iyo samaynta
dokumentiyada been abuurka ah, isla markaana waxaa uu boogaadiyay hawl-gallada lagula dagaallamayo Xatooyada Xoolaha dadwaynaha iyo
samaynta Dokumentiyada been abuurka ah ee ay wadaan hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn, Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga digay saraakiisha Dawladda, shirkadaha iyo hay’addaha la macaamila hay’addaha Dowladda in ay qayb ka noqdaan dembiyada la xariira Musuga.