AKHRISO:- Muxuu RW Xamse kaga hadlay khudbadda uu ka jeediyay madasha shirka Sharm El Sheikh?

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madasha shirka Sharm El Sheikh ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in Bangiyada Horumarinta ay noqdaan kuwo ka jawaaba caqabadaha la soo gudboonaada dal.

Ra’iisul Wasaaraha oo dood-cilmiyeed kala qaybgalay Ra’iisul Wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynayaaha Comoros iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira dhalintooda ay u horseedi karto Soomaaliya horumar iyo barwaaqo.

Mudane Xamsa oo madaxda kala duwan ee madasha ka soo qaybgashay la wadaagay sida ay dowladdiisu guulo la taaban karo uga soo hoysay horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada, si looga baaqsado fatahaadaha soo noqnoqda iyo abaaraha dabadheeraaday.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wadammada ka soo kabanaya colaadaha ee ku jira dowlad dhiska sida Soomaaliya oo kale ay dhibaatooyin badan kala kulmaan sidii ay dib ula soo qabsan lahaayeen nidaamka dhaqaalaha adduunka.