AKHRISO:- Booliska oo Muqdisho ku qabtay Maandooriye & Nin ka Ganacsanayay

0

Maantay oo Taariikhdu tahay 23/05/2023, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dagmada Hodan Howlgal ay maanta sameeyeen waxey kusoo qabteen eedeysan, Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf oo ka ganacsanayay maandooriye is kugu jira khamri Orgenal ah iyo Calaq, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamada awooda u leh Insha-Allah.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxay ka codsanayaa shacabka Caasimadda in ay la soo wadaagaan xogta kuwa ka ganacsada Maandooriyaha ee dabar gooynaya dhalinta Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir.

Bilihii la soo dhaafay laamaha Amniga Soomaaliya ayaa waday howlgallo ka dhan ah Maandooroyaha, iyaga oo gacanta ku dhigay maandooriye farabadan iyo dad Ganacsanayay.