AKHRISO:- Beesha Caalamka oo baaq kasoo saartay doorashooyinka muranka ka taagan yahay ee Puntland

0

Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.

Saaxiibdu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah.

Saaxiibdu waxay ku dhiirigelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

Saaxiibdu waxay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed. Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.