AKHRISO:- Wasiir Muqtaar Roobow oo ka baaqsaday Shir ay leeyihiin Wasiirada Diinta oo ka furmaya Kismaayo

0

Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada kismaayo oo caasimad KMG u ah Maamulka Jubbaland uu ka furmo shir ay ka qeyb galayaan Wasiiradda Diinta iyo awqaafta ee DFS iyo kuwa Maamul gobolleedyada walow uusan ka qeyb galeyn shirkani wasiirka diinta iyo awqaafta XFS Muqtaar Roobow Cali abu Mansuur.

Shalay waxaa magalaaalda Kismaayo gaaray wafdi uu hogggaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda diinta iyo awqaafta Xildhibaan Saalax shariiF Siid Cali iyo Wasiiradda Diinta ee dawlad gobolleedyadda si ay qeyb uga noqdaan Shirkaas.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Saalax Shariif Siid Cali ayaa ka hadlay ujeedka uu daaranyahay Shirkani uga furmayo Kismaayo Madaxda Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta ee DFS iyo kuwa Maamul gobolleedyadda .

Si kastaba ha ahaatee shirkani ayaa waxa uu imaanayaa Xilli khilaaf uu hareeyey Sida loo maamulay Tartanka diyaaradaha qaadaya Xujeyda iyada dhawaan uu soo baxay muran ka dhex bilaawday Guddiga xajka Wasaaradda iyo Shirkadaha diyaaradaha.