AKHRISO:- Laamaha Amniga Gobolka Banaadir oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka Amaanka Soomaaliya ayaa howlgal loogu magac daray Ciiltire oo ay ka sameeyeen Magaalada ku soo qabtay Maandooriyaha (Qamri iyo Calaq) iyo rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

War kasoo baxat taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ka dhacay degmada Holwadaag, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Saqawadiin ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidanka Boliiska, NISA iyo Polizia Militare uu ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amniga, ka hortagga weerarada Al-Shabaab, Burcadda Iyo Maandooriyaha.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay eedeysanihii waday maandooriyaha, sidoo kalena howlgalka lagu soo qabtay 2 Eedeysane oo la rumeysanyahay in ay katirsan yihiin.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka sameeynayaan Magaalada muqdisho oo Amnigeeda ay soo hagaagayaan.