AKHRISO:- Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah billaabaya

0

Saraakiisha ugu sarreeysa ciidamada Milateriga iyo Booliska ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa kulan ay la qaateen saraakiisha ciidamada Booliska dowlad goboleedka Hirshabeelle waxa ay ku go’aamiyeen in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaannada hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Taliyaha ATMIS ee Burundi, Jean Claude Niyiburana, oo shir guddoominayay kulanka oo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa sheegay in si wanaagsan ay isku dhaafsadeen, wada hadal wanaagsan oo ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen, qorsheynta howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

“Waxaan ku heshiinnay inaan sii wadno kulammada noocan oo kale ah oo aan is-weydaarsanno xogta iyo qorsheynta howlgallada,” ayuu Niyiburana ku yiri hadal ka soo baxay.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa noqday mudnaanta koowaad ee ATMIS-ka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo dhimista ciidamada ay gashay marxalad xasaasi ah.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa sheegay in ay kordhiyeen diyaar garowga 2,000 oo askari looga saarayo Soomaaliya marka la gaaro 30-ka bisha June.

Niyiburana ayaa sheegay in wada shaqeynta ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ay dhabaha u xaari doonto howlgal degdeg ah oo lagu guuleysto oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xasan Dhicisoow Xasan ayaa ku tilmaamay kulanka inuu ahaa mid wanaagsan oo lagu xoojinayo dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan, sida aad la socotaan waxaa socda howlgalo ka dhan ah Al-Shabaabka Hirshabeelle, waxaana la xasiliyay bariga Wabiga Shabeelle, waxaana laga saaray, ujeedkuna wuxuu ahaa in la qorsheeyo sidii loo xoreyn lahaa. deegaannada ku haray galbeedka Wabiga Shabeelle.

Qodobada kale ee ugu muhiimsanaa ee looga hadlay, laguna heshiiyey intii uu socday kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa in ciidamada Booliska dowlad goboleedka Hirshabeelle lagu soo daro xarunta isku dhafka ah ee howlgallada, iyo in saraakiisha booliska Soomaaliyeed laga qeybgeliyo dhinacyada kala duwan ee booliska.