AKHRISO:- Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Laascaanood

0

Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Soo loo bilihii lasoo dhaafay ay socdeen dagaallo culus.

Wasiir Jaamac Xasan ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Guddiga 33-da xubnood ee SSC, isla markaana ka xog wareystay xaaladihii ugu danbeeyay ee dagaallada ka socda Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka SSC iyo ciidanka maamulka Somaliland.