AKHRISO:- Puntland iyo QM oo ka wada hadlay doorashooyinka uu khilaafka ka taagan yahay

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM) Mr. Guy Griffin.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha degaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyey Xafiiska UNSOM xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Puntland.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay doorashooyinka Golayaasha degaanka ee la filayo inay dhacdo 25-ka Bishaan, kuwaas oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Puntland.