AKHRISO:- Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay

0

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay Eedeysane Axmed Maxamed Shire oo la sheegay in dil uu toreey u adeegsaday uu u geystay Wiil Arday ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cabdiqadir Siciid Cabdi.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Waalidiinta Eedeysanaha iyo Bulshadii ka qeyb qaadatay soo qabashada Eedeysanaha.

Taliyaha Qaybta Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay In Eedeysane Axmed Maxamed Shire hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Dhexe ee Garoowe baaritaana lagu wado sharcigana la horgeyn doono.