AKHRISO:- Ergayga Gaar ah ee wada-hadallada Somaliland oo ku wajahan dowlad Goboleedyada

0

Waxaa lagu wadaa in Maalmaha soo socda uu booqasho ku tago degaannada dowlad Goboleedyada kajira dalka Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ergayga ayaa kullan horudhac u ah Qorshaha talo wagaada Madaxda iyo Bulshada Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Ujeedada safarka uu dowlad Goboleedyada ku tagayo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay inay tahay in uu dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulada ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Dhawaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kasoo horjeestay Magacaabista Cadikariin Guuleed, isaga oo dowladda Federaalka ku dhaliilay hannaanka ay u wajahday colaada magaalada laas-Caanood.