AKHRISO:- Puntland oo xukun dil ah ku riday 10 katirsan Al-Shabaab

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysan inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.

Raggaan ayaa waxaa kamid ah Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo qh ragga ku eedeysan inay Gaalkacyo ku dileen Wariye Jamaal Faarax Aadan, kuwaas oo horay dil toogasho loogu xukumay balse racfaan ay ka qaateen.

Raggan ay ay Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa lagu helay inay ahaayeen Shabaabkii dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana 10 qof ay dilka toogashada ah lagu xukumay ay Magacyadooda kala yihiin.

1: Cadde Cabdullaahi Maxamed

2 Cabdiqani Suleeymaan Jaamac

3 Xasan Jaamac Maxamed

4. Maxamed Cali Axmad Muuse
5. Farxaan Faysal Salaad Xirsi

6. Cabdulahi Faysal Xuseen

7. Barkhad Cawil Xirsi Nuur

8. Liibaan Aaden Muuse

9. Cabdiqani Farxaan Abdulahi

10. Cabdiraxman Cawil Maxamed

Horraantii bishaan Maarso ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19 nin oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.