AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Aadan-yabaal

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Taliyaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu degmada Aadan Yabaal kaga dhawaaqo wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya dalka.