AKHRISO:- Al-Shabaab oo lagala wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

0

Ciidamo deegaanka ah oo dhawaan ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la wareegay degaano hoostaga Degmada jalalaqsi gobolka hiiraan kadib howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hub farabadan ayaa degaannada ay la wareegeen waxaa kamid ah, Qurcaleey, Jabileey iyo degaan kale oo hoostaga Degmada Jalaalqsi ee gobolka hiiraan sida aay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan.

Ciidamada ayaa weli howlgallada siibwada, waxaana ay kusoo aadayaan xilli Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne, isla markaana uu ku dhawaaqay wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.