AKHRISO:- Taliska ciidanka booliska oo gacanta ku dhigay askari fal awood sheegasho kula kacay muwaadin

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari ka tirsan Booliska ayaa waxay soo xireen askarigii dhibka geystay, kaasi oo la horgayn doonaa sharcigao.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa go’aamiyey in laga ruqseeyo ka mid ahaanshihiisa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska ayaa intaa ku daray, “Ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha sharciga iyo bulshada uu wakiilka ka yahay., fadlan muwaadin, hadii aad qabto cabasho ama warbixin amni, ku hagaaji lambarka gaaban ee Ciidanka Booliska ee 991.”