AKHRISO:- Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

0

Waxaa lagu wadaa in Maalinta Berito oo Sabti ah in magaalada muqdisho ay ka ambabaxaan Ergo Nabadeed oo ah Odayaal Dhaqan, kuwaas oo tegaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Odayaashaan oo ka socda dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa ujeedkoodu yahay inay wada hadal la yeeshaan Isimadda Dhaqanka SSC, kulankaas oo ku saaban sidii nabad loo raadin lahaa, loona joojin lahaa dagaalka Magaalada Laas-Caanood.

Magaalada Garoowe waxaa ku sugan qaar kamid ah isimadda dhaqanka SSC wada hadallada la yeelan doona Isimadda kale ee tagaya, waxaana warar kale ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka ee ka baxaya Muqdisho ay tegi doonaan Magaalada Hargeysa ayna la kulmi doonaan Madaxda Somaliland, iyaga oo kala hadlaya sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Odayaasha Dhaqanka Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee SSC ayaa horay u shaaciyay in aysan wada-hadal la galeen Somaliland ilaa ay Ciidankeeda kala baxeyso Gobolka Sool.