AKHRISO:- Muwaadin Falastiini ah oo Maanta la dilay

0

Amir Imar Abu Khadijeh oo 25 jir ahaa ayaa saakayto oo Khamiis ah lagu dilay Tuullada Izbat Shoifa oo dhanka K/Bari kaga toosan Degmadda Tulkaram.

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin waxay sheegtay inay Askarta Israel Madaxa ka toogteen Marxuumka, taasi oo sababtay inay Maskaxda soo daadato.

Waxaa kaloo Marxuumka laga toogtay qeybaha hoose ee jirkiisa, sida ay sheegeen Ilo Caafimaad.

U-Dhaqdhaqaaqe Maxali oo lagu magacaabo

Murad Droubi, ayaa sheegay inay Askar badan oo Israeli ah ay Hawlgal ku soo galeen Tuullada, kadibna waxay xireen Albaabka weyn ee laga soo galo Deegaanka, waxayna xayireen Gaadiidka iyo dadka.

Askarta waxay isku gedaameen Guri ku yaalla Tuulladda, waxayna Goobjooge sheegeen in Rasaas la maqlay markii ay hareereeyeen Guriga, waxayna Askarta dileen Marxuum Amir Imar Abu Khadijeh

Askarta Israel waxay kaloo xireen Wail Suleyman Saalax oo ahaa Milkiilaha Guriga lagu dilay Marxuumka Amir Imar Abu Khadijeh.

Si kastaba, Askarta Israel ee xooga ku haysata Dhulka Falastiin waxay 87 qof oo Falastiiniyiin ah dileen tan iyo bilowgii sanadkan 2023-ka.

Dadka ay dileen waxaa ka mid ahaa Haweeney, 2 Oday oo da’ ahaa iyo 17 dhallinyaro aan weli Qaan-gaarin.