SAWIRO:- Ciidanka Danab ee Jubbaland oo burburiyeey saldhigyo Alshabaab lahayeen

0

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Jubaland, Ciidanka Danab Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska XDS ayaa burburiyey xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda Khawaarijta ah.

Howlgalkan qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaano ay kamid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Ciidamada ayaa howlgaladan qorsheysan ee ka dhacay deegaanadan kale duwan ku dilay 23 kamid ah Khawaarijta kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo kala aha Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab), sidoo kale ciidamadu waxa ay fashiliyeen qaraxyo ay doonayeen kooxda Khawarijta ah inay galiyaan waddooyinka iyagoo gacanta kusoo dhigay labba kamid ah kuwii miinooyinkaa hagayey.