AKHRISO:- Booliska Mareykanka oo heegan la geliyey xilli la filayo in Trump la xiro

0

Booliska ku sugan magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka ayaa isu diyaarinaya sidi ay uga hortagi lahaayeen rabshadaha dhici kara haddii ay dhacdo in la xiro madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Maamullada magaalooyinka New York, Washington DC iyo Los Angeles ayaa howlgeliyey ciidamadooda ammaanka suga.

Dacwad oogaha Manhattan ayaa laga yaabaa inuu Mr Trump ku soo oogo dacwad ah inuu lacag siiyey haweeney jisha filimaanta galmada si ay uga aamusto arrinka Trump lagu eedeeyay.

Waana kiiskii ugu horreeyey oo ka dhan ah madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.