AKHRISO:- Maxaa looga hadlayaa kulanka Madaxweyne Deni & Wakiilada Beesha Caalamka?

0

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka qabsoomo Shir u dhexeeya xukuumadda Puntland iyoqaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in shirka uu sigaar ah u dhexmari doono Madaxweyne Siciid Deni oo ay weheliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, isla markaana ay ka wada hadi doonaan qoondada Puntland ku leedahay Mashaariicda iyo dhaqaalaha dalalka Caalamku siiyaan Soomaaliya.

Xukuumadda Puntland ayaa deeq-bixiyaasha Caalamka ka doonaysa in ay si toos ah u siiyaan qoondada mashaariicda iyo dhaqaalaha lagu bixiyo magaca Soomaaliya ee la soo marsiiyo dowladda Federaalka.

Kulanka la filayo in uu dhexmaro Xukuumadda Puntland iyo wakiiladda Beesha Caalamaka ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf siyaasadeed ka dhex taagan madaxweyne Deni iyo Villa Somalia kaas oo sababay in qoondada mashaariicda qaarkood laga xannibo Puntland.