AKHRISO:- Wiilka Museveni oo shaaciyay xilliga uu aabihi kala wareegayo xukunka Uganda

0

Wiilka uu dhalay hoggaamiyaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu doonayo inuu u tartamo madaxtinimada dalka Uganda sanadka 2026-ka, waana markii ugu horeysay ee uu sheego xilliga uu bedelayo aabihi oo muddo 37 sano ah xukumayay dalka ku yaalla bariga Afrika.

Mucaaradka Uganda ayaa in badan ku eedeeyay Museveni inuu doonayo inuu boqortooyo kusoo rogo Uganda, waxayna ku andacoodeen inuu wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba u diyaarinayay inuu xilka kala wareego.

Museveni ayaa dafiray eedeymahaas.

Kainerugaba, oo 48 jir ah, ahna La-taliyaha Gaarka ah ee Hawlgallada Gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa caan ku ahaa inuu bartiisa Twitterka kusoo daabaco hadallo muran dhaliyay, kuwaas oo uu dhinaca kale ku kasbaday canaanta aabihiis.

Farriimaha ku saabsan rabitaankiisa madaxtinimo, oo uu soo dhigay Twitter-ka Arbacadii ayuu degdeg ah u tirtiray Kinrugaba.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan dhallinyarada Uganda iyo kuwa adduunka iyo magaca kacaankeenna weyn, waxaan u tartami doonaa jagada 2026.” ayuu Kinrugaba qoray.

Qoraal kale oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu ku muujiyay samir la’aantiisa uu wakhtiga dheer ku sugayay inuu bedelo aabihiis.

“Ra’iisul Wasaaraha UK waa 42 jir, Ra’iisul Wasaaraha Finland waa 37 jir, qaar naga mid ah ayaa garaacaya 50 jir, waan ka daalnay inaan waligeenna sugno,” ayuu yiri.

Kainerugaba ayaa horay u soo noqday taliyaha ciidamada dhulka, balse xilkaas ayaa laga qaaday kadib markii uu ku hanjabay in uu duullaan ku qaadi doono dalka ay deriska yihiin ee Kenya, taasi oo uu markii dambe sheegay inay aheyd mid kaftan ah.

Museveni weli ma sheegin in uu doonayo in uu mar kale isa soo taago sanadka 2026-ka iyo in kale, inkastoo taageerayaashiisa ay ku dhiirigaliyeen inuu mar kale isi soo sharraxo.