AKHRISO:- Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay degmada Dooloow

0

Gudoomiyaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cabdi lafeey ayaa shir gudoomiyay shirka amniga Degmada Doolow iyo deegaanada hoos-yiimaada.

Shirka amniga looga hadlayay waxaa ka qeybgalay maamulka Deg. Doolow, laamaha amniga iyo Guddi xafadeedyada, inta uu socda shirka waxaa diradda lagu saaray adkeynta amniga iyo wadda-shaqeynta laamaha amniga.

Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa boggaadiyey shaqadda amniga & wadda-shaqeynta maamulka Degmada doolow, sido kale Gudoomiyaha wuxuu laamaha amniga ku amray in la xoojiya amniga Degmada oo wadda-shaqeynta dhaw lala yeesho shacabka Degmada.

Taliye Mohamed hassan Buulle “Sanbuur” ayaa sido kale loo magacabay isku-duwaha amniga Degmada Doolow oo isku xiri doona xafiiska Gudoomiyaha iyo laamaha amniga.