AKHRISO:- Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo Shir ka leh howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Waxaa magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug ka furmay shir Heeskiisu Sareeyo oo looga Hadlayo Arrimaha Xasilinta oo ay ka qaybgalayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, wasaaradda Arrimaha Juballand, wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, wasaaradda arrimaha Gudaha koofur Galbeed, wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabele iyo inta badan Hay’adaha Arrimaha xasilinta ka taageera Wasaaradaha.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) oo shirka furay ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha shirka inay Diirada saaraan Sidii Qorshayaal hortabin leh loogu diyaarin laha hawlgalada Al-Shabaab Dalka looga saarayo, iyo in laga shaqeeyo sidii Adeegyada Bulshada loo gaarsiinlahaa Goobaha la xoreeyay.

Shirkaan oo ay ka qaybgalayaan inta badan Agaasimama-yaasha Guud ee wasaaradaha Arrimaha Gudaha ayaa diirada lagu saarayaa Diyaarinta Qorshayaasha Hortabinta u leh arrimaha Xasilinta iyo in wax laga barto Hawgaladii Hore loo fuliyay iyo Caqabadaha kasoo laabtay.

Shirkan ka furmay magaalada Dhusamareeb ee looga hadlayo xasilinta degaannada laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu istaagay howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar kamid ah gobolada dalka.