AKHRISO:- Dalladda Waxbarashada SAFE oo dhaliishay Shirka Waxbarashada Qaranka ee kasocda Muqdisho

0

Dareenka Daladda Waxbarashada SAFE ayaa kasoo dhaliishay shirka Waxbarashada Qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho 13-17 Maarso 2023.

Qoraal kasoo baxay Dalladda oo ka kooban hal Bog ayaa waxaa lagu yiri” Ka dib markii ay masuuliyiinta daladda waxbarashada SAFE dhageysteen baaga wasiirka waxbarashada Soomaaliya iyo ujeedooyinka waaweyn ee uu sheegay, kadib markii ay si taxadar leh u qiimeeyeen sida shirweynaha loo furay iyo ka soo qaybgalayaasha shirkweynaha oo furmay 13 Maarso 2023 socon doonana ilaa 17ka Maarso 2023.

Qoraalka oo aad u dheer ayaa sidoo kale lagu faah faahiyay sababta keentay inay shirkaasi uga soo horjeestaan, taas oo ay ku sheegeen in uusan laheyn ujeedooyin cad.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo dhameystiran.

Waxay ahayd toban sano kahor June 2013, markii shir waxbarasho heer qaran ah lagu dhawaaqay oo aan lahayn yoolal iyo ujeedooyin cad cad, isla markaana aan door fiican ku lahayn daneeyayaasha waxbarashada gudaha kuwooda ugu muhiimsan oo xog ogaal buuxa ka ahaa waxbarashada dalka ugu dambeyn Miraha shiweynahaas laysma weydiin.

Sidaa darteed Daladda waxbarashada SAFE waxay dareen weyn ka muujineysaa shirka
waxbarashada Qaranka ee Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta sare DFS ku dhawaaqday kana furmay magaalada Muqdisho 13ka Maarso 2023.

Qodobbada ugu muhiimsan ee nabad-dhisidda iyo tayaynta waxbarashada waxaa ka mid ah
in aan la siyaasadeen waxbarashada, koox gaar ahna loo xirin islamarkaana siyaasadda waxbarashada gaarka ahna meel lagu ogaado.

Hadaba, dalladda waxbarashada SAFE waxay u aragtaa in shirka waxbarashada Qaranka in uutyahay mid aan helin wadatashigii uu mudnaa, xog rasmi ahna ku fadhin qabshadiisa, iyadoo
laga duulayo cashiradii horay looga bartay waxbarashada dalka iyo qiyamka Bulshada
Soomaaliyeed sidaa darteed Dalladda Waxbarashada SAFE waxay cadeynaysaa in shirkaan wax natiijo miro
dhal ah kasoo baxayn, marka laga reebo in laga soo saaro qoraal marin haboowsan oo goobta
shirka laga soo saaray aan dhaafi doonin.

Talo soo jeedin
SAFE SAFE EDUCATE
Waxaan ku talineynaa in si cilmiyeysan dib u eegis loogu sameeyo guud ahaan waxbarashada dalka, waqti ku haboon la siiyo, lana talo galiyo hay’adaha xogaha gacanta ku haya islamarkaana aqoon iyo qibrad u leh waxbarashada guud ahaan, islamarkaana laga ilaaliyo waxbarashada hay’adaha iyo shaqsiyaadka geed fadhiga aan u ahayn waxbarashada dalka.