AKHRISO:- Wufuud kala duwan oo tegaya Magaalada Baydhabo & shir ka dhacaya

0

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay inay tagaan wufuud kala duwan oo ka qeyb geli doonta shirka Golaha wadatashiga Qaran oo la filayo in uu ka qabsoomo halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasme Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle ayaa la filayaa inay tagaan Magaalada Baydhabo.

Warraka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu diiday ka qeyb galka shirka, isaga oo tabasho ka qaba Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, balse ay macquul tahay in uu shirka uga qeyb galo Aalada ( ZOOMKA).

Shalay Gelinkii dambe waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goolka Baay gaaray Wafdi horudhac u ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka, kaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Ammaanka Guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda & kuwo Koonfur Galbeed oo ammaanka siweyn u xaqiijinaya.