AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Baardheere

0

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Guriga Martida ee degmada Baardheere, halkaas oo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobolka Gedo iyo Saraakiil Ciidan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gaari nooca aan xabadda karin oo lagas oo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray guriga Martida ee degmada Baardheere, waxana ku dhaawacmay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Abaanduulaha qeybta 43aad Korneyl Axmed Cabdallaahi ( labaale).

Warraka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxa Ismiidaaminta ah kadib tiro Hoobiyeyaal ah ay kusoo dhaceen degmada Baardheere, waxaana Guri kuyaalla ku dhintay laba Carruur ah oo Walaalo ahaa halka dad kale ay ku dhaawacmeen.

Duqa degmada Baardheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro khasaaro xoogan, sidoo kale burur uu soo gaaray Guriga Martida, isla markaana hadda ay wadaana baaritaano la xiriira khasaaraha ka dashay weerarka.