AKHRISO:- Puntland oo xal ka gaartay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa shir-gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen qaar kamida Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka, Gudoomiyaha Degmada Xarfo, Nabadoo iyo waxgarad ayaa ka qayb galay kulanka, Shirkan oo ah Wajiga 1aad ee kulanka Waxgaradka iyo Nabadoonada laba beelood oo walaala kuwaas oo ka xaaltamayey Dilka Allaha Unaxaristee Marxuum Cawil Cabdi Jowte oo maalmo ka hor lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo gacan ka helaya Shacabka ayaa ku guulaystay soo qabashada Gacan ku dhiiglihii dilka gaystay, iyagoona ay ka wada xaaltameen Nabadoonada labada Beelood kuwaa oo ku heshiiyey in la qisaaso gacan ku dhiiglaha si looga oofiyo xadka.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal oo kulanka shir-gudoominayey ayaa bogaadiyey is af-garadka iyo heshiiska laba Beelood ee dhacdadaasi isagoona sheegay in ay ka maamul ahaan diyaar u yihiin door kasta oo lagu dardargalinayo Heshiisyada Beelaha iyo Bulshooyinka Gobolka Mudug wada dega.