AKHRISO:- Xukuumadda Soomaaliya oo amar dul dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

0

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Jaamac Xasan Khaliif ayaa guddoomiyay Shir muhiim u ah shaqada wasaaradda oo looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa lagu amray in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqabad ku ah hanaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta.

Shirka waxaa ka qeybgalay ,Wasiir-kuxigeenka wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee wasaaradda.

Shirkadaha waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan

Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda.

“Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo”.