AKHRISO:- Faah faahin: Qaraxyo lagu weeraray Hoyga taliyaha Nabadsugida degmada Dayniile

0

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qaraxyo miino oo saaka lagu qarxiyay Hoyga uu Xaafada Saban saban ka degan yahay taliyaha Nabad Sugida degmada Dayniile, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxyada oo labo ahaa uu dhaawac fudud kasoo gaaray taliyaha Nabad Sugida degmada Dayniile iyo tliyihii hore ee Ciidamada nabadsugida Deeyniile Cumar Cabdi Fiidow & askari ilaalo u ahaa.

Wararka ayaa waxaa ay sidoo kale intaasi kudarayaan in dad deris la ah Taliyaha NISA ee degmada Deeyniile ay qaraxyada ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay mid kamid ah Isbitaallada kuyaalla degmada Deeynile.

Guriga ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamo isugu jira booliis iyo nabad sugid, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan jirin dad ilaa iyo hadda ay u qabteen qaraxaydaas.