AKHRISO:- Doorashada kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka oo Maanta dhacday

0

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabtay doorashada kursiga Hop-176 ee Deegaan Doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, kaas oo kamid ahaa kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka.

Kursiga Hop#176 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay kana geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow, hayeeshee ugu dambeyn Maanta kursigaas la buuxiyay.

Mukhtaar Maxamed Mursal oo uu dhalay Alle ha u naxariistee Xildhibaankii ka geeriyooday kursigaan ee Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Hop#176 oo Maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa socday buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka, waxaana qabsoontay doorashada kuraasta kala ah, Hop#147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, Hop#86 oo horay loogu diiday Fahad Yaasiin & Kursiga HOP#203 oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.